Laba Nin oo Oromo ah oo ku dhintay Bulaacad ku taala agagaarka Goolada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

0
51

Alle haw naxariistee Laba Nin oo Oromo ah oo ku dhintay Bulaacad ku taala agagaarka Goolada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

 

#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay 2:00 am degmada Ibraahim Koodbuur nooca badbaadadaas oo ahayd laba

nin oo Bullaacad ku dhacay lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.

 

Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii, hasayeeshee yeedhmada oo dambaysay waxaa ciidanku godka ugu tagay labadaa nin oo Meyda.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib ka soo saaray Maydkii Bullaacadaas.

 

Ugu dambayna waxaa Maydkii ciidanku ku wareejiyay Ciidamada Dambibaadhista Booliska.

 

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa inay goor hore soo wargeliyaan ciidanka Dabdemiska, balse aan soo dalban gurmadka markay ku adkaato inay wax ka qabtaan.

 

Waxaa mamnuuc ah in Bullaacad la qodo Wakhti habeenimo, sidoo kale maalintii marka bullaacadaha la qodayo maalintii waa in dhawr qof lagu qodo si ay isku caawin karaan.

 

Allah Mahad leh.