Madaxweyne Geelle oo furay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

0
63

Madaxweyne Geelle oo furay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib u ambaqaadaya wadahadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed Maanta uu tegay Djibouti.

 

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa furay wada-hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

 

War ka soo baxay madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in furitaanka kadib ay wada hadalo toosa galeen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

“Maanta oo Khamiis ah waxaan ka hadlay furitaanka wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo dib u bilaabmay, kaasoo ahaa dhegaysi waraysi toos ah oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.”