“Muuse Biixi 2022-kii wuxuu qorshaha muddo kordhinta ka dhigtay ururradii, qorshaha muddo kordhinta maanta uu ku doonayana waa dhiig iyo nabad galyo darro..”

0
116

Xisbiga WADDANI oo barnaamij Siyaasadeedkiisa Doorashada Madaxtooyada la wadaagay Dalladaha Dhallinyarada ee la Shaqeeya

 

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa maanta barmaamij siyaasadeedka xisbiga ee doorashada Madaxtooyada 2024 la wadaagay hoggaanka dalladaha dhallinyarada ee xisbiga la shaqeeya.

“Muuse Biixi 2022-kii wuxuu qorshaha muddo kordhinta ka dhigtay ururradii, qorshaha muddo kordhinta maanta uu ku doonayana waa dhiig iyo nabad galyo darro..”

 

Xoghayaha Xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Xoghayaha garabka dhallinyarada Cabdiqaadir Jaylaani, Afhayeenka Garabka Dhallinyarada Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo maamulka afar ka mid ah dalladaha xisbiga la shaqeeya ayaa si waafi ah loogu lafo-guray tiirarka uu xoogga saarayo barmaamijka siyaasadeed ee xisbiga oo dhawaan la filayo in lala wadaago bulshada Somaliland.