Nuxurka Heshiis Masar Soo Bandhigtay oo Xabad Joojin Gaza Ah

0
69

Nuxurka Heshiis Masar Soo Bandhigtay oo Xabad Joojin Gaza Ah

Dawladda Masar ayaa usoo bandhigtay Xam**s iyo Israa’iil heshiis cusub , si loo gaaro xabbad-joojin iyo is dhaafsiga maxaabiista, kaddib marar badan oo uu fashilmay dhowr qaacido oo la soo bandhigay si heshiis loo gaaro.

 

Nooca heshiiska Masar;

 

Heshiiska ay soo bandhigtay Masar, wuxuu dhigaya 7 illaa 10 maalmood oo xabbad-joojin lagu sii deynayo maxaabiista rayidka ah oo lagu beddelayo maxaabiis Falastiiniyiin ah. Waxaa intaa dheer marxalad kale oo lagu sii deynayo askarta dumarka ah ee Israa’iiliyiinta , si loo sii dheereeyo xabbad-joojinta muddo toddobaad ah, sida ay ku warrantay Aljazeera.

 

Waxaa xigi doona wada-hadal muddo bil ah oo laga wada-hadlayo sii deynta dhammaan maxaabiista ay heyso Xam**s , iyadoo lagu beddelanayo maxaabiis badan iyo inay Israa’iil ka baxdo xadduudaha Qasa, tana waxaa loo arka inay ku adkaan doonto Israa’iil.

 

Kulan ay maanta yeelanayaan golaha wasiirrada dagaalka Israa’iil ayaa looga dooddi doona heshiiska ay soo bandhigtay Masar, waxaaa jira dabacsanaan dhinaca Israa’iil oo u muuqata inay ku daashay dagaalka, balse si cad ma mideys-na golaha wasiirrada dagaalka taa oo doodda dheereyn karta , mid ka mid ah ayaa ku dhaleeceynaya sida loo maamullo dagaalka kaaso soo jeediyay in diiradda la saaro weerarrada wax lagu burburinayo ee hawada, halkii tobannaan askar maalin walba la dili lahaa.

 

Iman jama