Isbeddello lagu Sameeyay qabyo-qoraalka ku baaqaya xabbad-joojinta Qasa

0
56

UPDATE: Maalmo iyo isbeddelo lagu sameeyay qabyo-qoraalka ku baaqaya xabbad-joojinta Qasa, ayaa hadda la filayaa in Golaha Ammaanka uu cod u qaado, kaddib maalmo dib loo dhigay.

 

Gabriel Elizondo oo ka tirsan Al Jazeera , ayaa sharraxay sida isbeddelo lagu sameeyay qaybo qoraalka oo Isniinta dib loo dhigay in cod loo qaado, midka koowaad ayaa awooday in dagaalka la joojiyo gargaarka loo baahanyahayna la geeyo Qasa.

 

Waxaa dhacay laba isbeddel oo waaweyn: “Qoraalka asalka ah ee soo baxay Isniintii wuxuu ku baaqay ‘joojinta colaadda’, Maraykanku ma rabin taas, sidaas darteed waxaa dib loogu beddelay ‘hakinta colaadda’, iyo hadda ugu dambeyntii nooca la soo gudbin doono oo ah mid ku baaqaya si fudud ‘shuruudaha joojinta colaadaha’,” ayuu yiri Elizondo.

 

Ruushka, sida ilo diblomaasiyadeed ay sheegeen, kuma faraxsana sida jihadda looga leexiyay qaraarka koowaad.

 

“Isbeddel kale oo weyn ee ku jira qaraarka hadda loo codeynayo waa in qabyo-qoraalkii hore uu ku baaqay in la sameeyo guddi kormeer oo ka socda Qaramada Midoobay si loo kormeero gargaarka Qasa iyo qaybintiisa … Taasna waa la tiray. Hadda wuxuu qaraarkan ku baaqaya xoghayaha guud in uu magacaabo isuduwaha bini’aadantinimo ee sare si uu u kormeero gargaarka Qasa.” ayuu ku daray Elizondo.