Guddida Fulinta Waddani Iyo Muragaa Oo Ka Shiray Xaaladaha Jira

0
60

Shirka Guddida Fulinta iyo xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee xisbiga. Fadhigan oo uu guddoominayay kusimaha guddoomiyaha mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac ayaa si weyn loogu lafo guray marxladda siyaasadda iyo ammaanka ee dalku marayo.

 

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa masuuliyiinta xisbiga warbixin ka siiyay Qorshaha xisbiga ee xaaladda Somaliland ee arrimaha doorashooyinka iyo nabad galyada.

 

Hoggaanka xisbiga iyo masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga ayaa fadhiga maanta ka jeediyay warbixino ku aaddan marxladda wakhtigan ee Somaliland iyo qorshaha xisbiga ee ku aaddan nabadda iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh.