Xalad Kasoo Korodhay Amniga Burco iyo Goobo Ciidan La Dhoobay. 

0
75

Xalad Kasoo Korodhay Amniga Burco iyo Goobo Ciidan La Dhoobay.

Amniga Burco ayaa caawa si xoogan loo adkeeyay iyado shaaracyada magaalada lagu arkaayo ciidamada boliska oo gaaf wareegaaya, samaynaayana baadhitaano dheerada oo aan hore looga samayn jirin magaaladaas.

 

Ciidamada amniga sugayaa ayaa sidoo kale waxaa la dhoobay goobo ay ka mid yihiin guriga maayirka cusub iyo xarunta dawlada hoose, kuwas oo si adag u sugaayo amnigooda, dadka u gudbaayana baadhis dheeraad ah ku samayanaaya.

 

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amaanka balse ila wareedyo aan la xidhiidhnay ayaa Sababta heeganka loo galiyay ciidanka ee dhaqdhaqaaqa dadka loo xadidaayo noogu sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in ay soo rogaal celiyaan dablaydii hubaysnayd ee maanta weerartay mudanayaasha xilka ka qaaday Maayirka Burco, rasaastana ka riday badhtamaha suuqa ee qaarkood la xidhay.

 

Samraawi Media