Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Xildhibaan Barkhad Iyo boqor Iimaan

0
65

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Xildhibaan Barkhad Iyo boqor Iimaa

 

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa warka baahiyey

 

“Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta xafiiskiisa anniga iyo Boqor Axmed nagu qaabiley waxa uu nooga mahadceliyey doodayaddii iyo difaaci aanu qarannimadda Somaliland xarunta qaramadda Midoobey ee dalka Swizerland ka jeedinney.

 

Madaxweynaha waxa aanu kala hadlaynay mahadcelintiisa iyo qaabillaaddiisa kaddib xaaladda guud ee dalka iyo xalkeeda, waxa aanu si gaar ah ugala sii hadalnay xuquuqda umadda aanu metelno xaqooda siyaasiga ah ee Wasiir buuxa, Agaasime guud, Badhasaab, iyo Guddoomiye hay’addeed leh, daruufaha deegaanaddooda iyo sida ay mihiim u tahay in dawladdu mashaarico muuqda uga hir-galliso.

 

Waan uga mahadcelinaya in uu Madaxweynuhu ballan qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono dalabka danta deegaankayaga iyo hir-gallinta mashaaric muuqato Insha Allah.