Golaha Guurtida Somaliland Oo Walaac Ka Muujiyey Xaaladda Cafimad Ee Dalka

0
64

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka si adaga wax isaga waydiiyay xaaladda Caafimaad ee dalka, iyaga oo si wayn uga dayriyay Tayada daawooyinka la keeno dalka oo ay sheegeen in kaliya dalka la keeno daawooyinka dhacay, kuwaasi oo bulshada ku sababay xanuun aan markii hore lagu arki jirin.

 

Fadhigii saaka ee Golaha guurtida Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxa ay si adaga uga doodeen qodobka caafimaadka, iyaga oo wax iska waydiiyay xaalada caafimaad ee dalka iyo halka uu marayo caafimaadka guud ee dalka.

 

Mudanayaasha qaar ayaa waxa ay si adag uga dayriyeen wax ka qabasha la,aanta Daawooyin ay sheegeen inay dhacee oo dalka, taasi oo loo iibinayo sidii raashin doodoodii ayaa waxay u dhignayd sida tan.