Wasiirka Maaliyadda oo Dekedda Berbera ku Qaabilay Weftigii South Africa

0
80

Wasiirka Maaliyadda oo Dekedda Berbera ku Qaabilay Weftigii South Africa

Hargeysa December, 15, 2023 – Wasiirka Horuumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Masuulin kale oo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan ayaa Magaalada Berbera ku qaabilay Weftiga ka socda Dalka Koonfur Afrika.

 

Weftigan ayaa booqday Dekekada wayn ee Marsada Berbera iyo Free Zone ka, waxaana qaabilay Wasiirka Horuumarinta Maaliyadda, Wasiir Kuxigeenka Ganacsi iyo Dalxiiska, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Masuulinta Gobolka Saaxil iyo kuwa Degmada.

Weftigan ayaa soo arkay horuumarka ay ku tallaabsaday Somaliland iyo sida ay muhiimka u tahay in ay iskaashi la sameeyaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.