Madaxweyne biixi oo gudi u saaray xaalada dalka iyo qabsoomida Doorashooyinka fooda inagu soo haya sanadka 2024

0
57

Madaxweyne biixi oo gudi u saaray xaalada dalka iyo qabsoomida Doorashooyinka fooda inagu soo haya sanadka 2024

Fadhigii 121aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee uu shir gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, waxa lagu lafo-guray qodob dhigaya sidii looga arrinsan lahaa muxaafid iyo Mucaaridba arrimaha ka jira dalka wakhtigan, gaar ahaan Difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.

 

Dood iyo falan-qayn dheer ka dib, waxa uu Goluhu arrintan u saaray Guddi ka kooban 14 xubnood oo kulamo la qaata Mucaaridka, si looga wada xaajoodo qodobbada muhiimka ah ee ku xusan.

 

Xubnaha Guddida oo ka kooban Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xisbiga Kulmiye waxa ay kala yihiin:

 

  1. Wasiirka Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

 

  1. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

 

  1. Wasiirka Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan).

 

  1. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Axmed Yuusuf Diiriye.

  2. Wasiirka Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed.

  3. Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

  4. Wasiirka Macdanta iyo Tamara, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi.

  5. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha, Mudane Raabi Cabdi Maxamed

  6. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari).

  7. Wasiir ku Xigeenka Horumarinta Caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan.

  8. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Mudane Siciid Xasan Habane

  9. Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad Xisbi Xaakimka Kulmiye, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale

  10. Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbi Xaakimka Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo

  11. Xoghayaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar.

Warkan oo aan lagu soo darin war-saxaafaddeedkii Golaha ka soo baxay ayaanu ka helnay ilo xogogaal ah.