Madaxweynaha Jabuuti Oo QaabilayWasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Faransiiska

0
83

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Khamiis ah qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Faransiiska, Catherine Colonna iyo Sébastien Lecornu, oo u yimid dib u cusboonaysiinta heshiiska iskaashiga milatari ee Jabuuti iyo Faransiiska.

 

Kulankan ayaa suurtageliyay in dib loo xaqiijiyo xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray dhammaan xiriirka iskaashi ee Jabuuti iyo Faransiisku ka leeyihiin dhinacyo badan.

 

Booqashada labada wasiir ayaa muujineysa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida ay u doonayaan inay sii wadaan iskaashiga dhanka ciidamada ah oo saldhig u ah iskaashigooda istiraatiijiyadeed. Madaxweyne Geelle ayaa soo dhaweeyay muhiimadda socdaalkan uu u leeyahay xoojinta xiriirka Jabuuti iyo Faransiiska.