Weftigan Dawladda Hoose ee  Hargeisa ayaa Dirtay balse waa Lasoo Celiyey 

0
58

Weftigan Dawladda Hoose ee  Hargeisa ayaa Dirtay balse waa Lasoo Celiyey

Garoonka Diyaaradada ee Amsterdam airport ee dalka Nederland ayaa lagasoo celiyay wafti dawlada hoose ee Hargaysa ka socday oo Dalkaasi u socday.

 

Ujeedada weftigan loosoo celiyay ayaa illo xog ogaal ah ii sheegeen in ay tahay hadhitaanka Maayir Mooge ka hadhay weftigan, waxaana xubnahani loo sheegay in hadii Maayir Mooge oo ahaa qofka la casuumay aanuu la socon aanay dalkani soo galaynin.

 

Maalmo ka hor ayaan idin la wadaagay in Maayir Mooge u Baajiyay safarkiisii Nederland khilaafka ka dhex qarxay isaga iyo ku xigeenkiisa.