Wasiirkii xilka Laga Qaaday ee Ciyaaraha oo ka Hadlay Asbaabaha loo eryay.

0
72

Wasiirkii xilka Laga Qaaday ee Ciyaaraha oo ka Hadlay Asbaabaha loo eryay

 

Hargeysa, December, 11, 2023 – Wasiirkii hore ee ciyaaraha Somalilabd ee shalay madaxweynuhu xilka ka qaaday ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu saddexdii bilood ee la soo dhaafay uu wasiir ahaa, isla markaana xiligana xilkii laga qaaday.

 

Wuxuu sheegay inay maalmahanba suuqa ku jirtay xilka qaadistiisu oo uu ogaa, waxase uu tilmaamay inuu isagu horena u joogay Somaliland haddana uu joogi doono.

 

Wasiirkii hore Ciyaaruhu wuxuu sheegay inay ay is khilaafeen naadiyada heerka koowaad ee Boorame, kadibna uu go’aamiyay in la qabto tartanka heerka labaad, taasina ay keentay khilaaf dhexmaray isaga iyo Badhasaabka Awdal, hase ahaatee ay xaliyeen shalay oo ahayd maalintii isaga xilka laga qaaday.

 

Wasiir hore Dhooble oo la weydiiyay inuu noqday Wasiirkii ugu muddada yaraa ee soo maray Somaliland, waxaanu xusay in aanay is khilaafin madaxweynaha hase ahaatee uu xaq u leeyahay inuu xilka uga qaado sidii uu u dhawaanba ugu magacaabay.

 

Cabdirixiin Xirsi Jaamac wuxuu sheegay inuu tartamo badan ka qabtay Somaliland xilli sannadku daboyaaqo yahay.