Wasiir Kaahin Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Wefti Koonfurta Afrika Ka socda

0
85

Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Madaarka Egal Internationa Airport ku soo dhoweeyey Wefti ka socda Dalka Koonfur Afrika uu Hogaaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xisbiga Talada haya ee ANC (African National Congress), Ahna Wasiir Kuxigeenka Shirkadaha Dawladda Koonfur Afrika Obed Abepala.

 

Waxaa kale oo ka mid ah Weftiga Xubin sare oo ka mid ah Xisbiga ANC, Abner Mosaase is a member of ANC International Relations Committee and coordinator of the Brics political party plus dialogue.

 

Gudoimiyey Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, waxaa kala qaybgalay soo dhowaynta Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Mudane, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Xogaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Faysal

Cabdiraxman Madar, Safiirka Dalka Koonfur Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ambassador Axmed Jaamac iyo Masuulin kale.