Xisbiga Wadani oo sheegay in la Hirgalinayo Mashruuc Halis ku ah Nootaayooyinka Dalka

0
64

Xisbiga Wadani oo sheegay in la Hirgalinayo Mashruuc Halis ku ah Nootaayooyinka Dalka

Hargaysa:- Xog-hayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Wadani Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa walaac ka muujiyay mashruuc uu sheegay in uu halis ku yahay xogta Nootaayooyinka ee labada dhinac ee is haya loo kaydiyo.

 

Sidoo kale waxa uu Xog-hayuhu sheegay in mushuurac cid gaar ah gacanta laga galinayo, bulshada ay Nootaayooyinku u adeegaana laga qaadayo Khidmad dheeraad ah.

 

Xog-hayaha ayaa war qoraal ah oo uu arrintan ku faahfaahinyo ku baahiyay degalkiisa Facebook, qoraalkeeda ayaa u dhignaa sidan

 

“Waxa la wadaa hirgelinta Mashruuc Halis ah oo Xogta heshiisyada Nootaayooyinka dhinacyadu ku galaan.

 

Shirkad Gaar ah gacanteeda ayaa la gelinaaya, Qandaraaskan oo la dhex marinaayo Wasaaradda Caddaalada, waxa dhammaaday Tababaradi iyo Liisaskii Nootaayooyinka.

 

Qandaraaskan Macaashka ahi heshiis kastoo Nootaayo lagu galo waxa la saarayaa Dhinacyada Khidmad dheeriya, Xogta waxa lagu kaydinayaa Seerfar Gaar ah.

 

Mashruucan E-Public Notary System wuu ka hor imanayaa Xeerka Nootaayooyinku ku aasaasanyihiin Xeer Lr 18/2001, Qodobadiisa, 3aad, 5aad, 6aad, yo godobka 1aad, firqaddiisa (b) Qodobka 20aad farqadiisa 1aad, Naasnuujin iyo Sharci jebin badheedh ah”.