Af-hayeenka Milatariga Xamaas oo ku hanjabay in aanay Israel soo furan karin maxaabiista laga hayo 

0
64

Af-hayeenka Milatariga Xamaas oo ku hanjabay in aanay Israel soo furan karin maxaabiista laga hayo

 

Qaza:- Afhayeenka garabka Milateriga Xamaas Abu Cubayda ayaa sheegay in aanay jirin awooda ay doonto ha adeegsatee cid sii dayn karta hal askari oo ka mid ah maxaabiista reer Israel ee ku xidhan Marinka Gaza.

 

Abu Cubeyda oo warbaahinta ka hadlyey muddo 11 daqiiqo isla markaa Codkiisa laga baahiyey Tilifishinka Aljazeera ayaa intaa ku daray in Israa’iil iyo taageerayaasheeda midkoodna aanay maxaabiistooda nolol ku kaxaysan karin ilaa uu jiro heshiis rasmiya oo ah isdhaafsiga maxaabiista, kaasi oo uu hoggaansanayn shuruudaha Al-Qassam iyo Xamaas.

 

Waxa uu intaa ku daray, isaga oo arrintaasi ka hadlaya “Ma ahan Netanyahu, ama dowladdiisa, ama Sahyuuniyadda Aqalka Cad ma soo dayn karaan hal askari, hawlgalkii fashilmayna wuxuu caddeeyay midaa”.