Tirada Dhimashada Gaza Iyo Wararkii U Dambeeyey

0
123

Tirada dadka lagu dilay Qasa ayaa gaartay 17,700, halka 48,780 lagu dhaawacay tan iyo bilowga duullaanka Israa’iil ee Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Qasa. Dadka dhintay kala bar waa carruur iyo haween.

Dhinaca kale Kooxda Yemeniyiinta ayaa hadda ku dhawaaqay inay ka mamnuuceen badda cas dhammaan maraakiibta u socota Israa’iil , iyadoon la eegeyn shirkadda iyo dalka leh , bar tilmaameed sharci ahna ay noqon doonaan illaa loo oggalaanayo Qasa inay si xor ah u gaaraan cunada iyo daawooyinka, afhayeenka kooxda ayaa shaaciyay.

UPDATE: Iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa ayaa guulo weyn ka sheegtay howlgallo ay ku sheegeen in ‘ si wanaagsan’ loo fuliyay oo dagaalyahannada ay ku qaadeen saldhigga ciidanka YH ee galbeedka xerada Jabalia,inta uu weerarka socday waxay sheegeen inay dileen tiro saraakiil iyo askar ah oo uu ku jiro sarkaalkii u sarreeyay guutada gaarka ah ee ciidanka Israa’iil, sida ay sheegtay Aljazeera oo intaa isku dartay iska caabinta inay weerar kale oo toos ah ka geysteen bariga Khan Yunis, kaddib markii ay madaafiic ku burburiyeen dhisme ay ku jireen ciidanka YH.

 

Tan iyo galinkii hore , waxaa kalo ay sheegeen iska caabinta inay burburiyeen taangiyo iyo gaadiidka gaashaaman ee ciidanka YH.

 

Yaa Allaah U GARGAAR FASTIIN….amiin

 

Iman Jama