Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Hargeysa Ku Shiray

0
55

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda UN-ta.

 

Waxaana Kulankaa lagaga wada-hadlay wajiga 4aad ee mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-ga oo la filayo in uu sannadka cusub 2024 bilaabmo, sidoo kale waxa kulanka lagu lafa guray wajigii 3aad ee dhamaaday waxyaabihii guud ahaan qabsoomay iyo caqabadiihii ka hor yimi.