Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Golaha Wasiirada somalia 

0
105

Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Golaha Wasiirada somalia

 

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

 

Golaha ayaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka, waxa ayna goluhu fareen hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

 

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samotabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

 

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —