Wararkii U Dambeeyey Gaza Oo Kooban iyo Tirada Dhimashada Oo Kumaan Maraysa

0
55

Wararkii U Dambeeyey Gaza Oo Kooban iyo Tirada Dhimashada Oo Kumaan Maraysa

Wararkii U Dambeeyey ee Gaza ayaa sheegaya in Iska caabinta Falastiiniyiinta ay sheegeen inay burburiyeen labo taangi oo horleh iyo gaari gaashaaman ee ciidanka Israaiil, howlgal ay ka fuliyeen waqooyiga xerada Al Shaati, sida ay werisay Aljazeera.

 

Waa taangigii afraad oo ay tan iyo saakay sheegeen inay burburiyeen iska caabinta Falastiiniyiinta.

 

Dhinaca kale Dadka ku dhaqan waqooyiga Qasa ayaa maalintii labaad u gudbaya dhinaca koonfurta markii ay waayeen goob ay gabaad ka dhigtaan oo ku taalla waqooyiga. Sida uu sheegay telefishinka Aljazeera %70 dadkii ku noolaa waqooyiga Qasa waa ay isaga baxeen.

 

Geesta kale Gantaallo ayaa ku dhacay saldhigga ciidanka Israa’iil ee aagga Yiftah, oo ah deegaan ku yaalla xadka Lubnaan , weerarka kaddib diyaaradaha Israa’iil ayaa gudaha u galay hawada koonfurta iyo bartamaha Lubnaan, sida ay ku warrantay Aljazeera.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in 241 qof lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qasa, saacadihii u dambeeyay., iyadoo tirada guud ee dhimashada ay gaartay 10,569 , sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Qasa.

 

Ugu dambayn Wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ayaa uga digay Iran inay uga sii darto colaadda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil , iyaga oo sheegay in Tehran ay tahay in ay xakamayso kooxaha hubaysan ee xulafada la’ah.

 

Tirada Dhimashada Gaza ayaa kor u dhaaftay toban Kun dhinaca Falastiin, Halka ay Israaiil na kor u dhaaftay illa Kun iyo Shan Boqol iyo dhaawac qtiro badan…