Komishanka Doorshooyinka Oo Isugu Yeedhay Badhasaabka Dalka

0
53

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kulan u qabtay dhammaan Gudoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka KDQ. Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa gogol-xaadhka, dhammaystirka iyo soo-saarista Liistada Kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha JSL (Final Voter List).

 

Kulaankaas waxaa kale oo lagaga wadahadlay qorshaha diyaargarowga qabsoomida Doorashooyinka soo socda ee JSL. Gudoomiyeyaasha goballada iyo degmooyinka ee KDQ waxay iyagu na dhankooda la wadeegaan Xubnaha KDQ warbixino la xidhiidha xaaladda guud ee deeganada dalka JSL.