Wararkii u dambeeyay ee aad u baahantahay inad ka oggaatid Qasa; 

0
113

Wararkii u dambeeyay ee aad u baahantahay inad ka oggaatid Qasa;

 

•Duqeymihii u dambeeyay ee Israa’iil waxaa ku dhintay 21 falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda hal qoys oo ku nool Qasa, sida ay maanta shaacisay wasaaradda caafimaadka Falastiin, iyadoo duqeymaha Israa’iil ay sii xoojiyeen guud ahaan gobolka habeennimadii xalay.

 

•In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay duqeynta Israa’iil ay ka geysatay xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Qasa.

 

•Bambaanooyinka ayaa si isdaba joog ah loogu bartilmaameedsanayaa agagaarka isbitaalka al-Quds ee Qasa, halkaas oo ku dhawaad 14,000 oo Falastiiniyiin ah gabaad u ah.Sida laga soo xigtay Bisha Cas ee Falastiin, xoogga duqeymaha ayaa keenaya in dhismaha uu gariiro, kooxaha gurmadka deg-degga ahna waa ay awoodi waayeen in ay baxaan sababo la xiriira duqeymaha is daba-jooga ah.

 

•Ugu yaraan 46 falastiiniyiin ah ayaa lagu xiray Daanta Galbeed ee la haysto.

 

•Dr Ahmed Mokhallalati, oo ah madaxa qaybta qalliinka Isbitaalka ugu weyn Qasa ee al-Shifa, ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof u dhiman doonaan, shidaal la’aanta uu wajahayo isbitaalka.

 

•Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee Falastiin, 100 dhakhtar oo ku sugan Israa’iil ayaa dalbanaya in ciidamada Israa’iil ay duqeeyaan isbitaallada Q, iyagoo ku tilmaamay “kaabayaasha ay isticmaalaan Xamaas”.

 

•Waxaa magaalada Ramallah ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ka socda kulan u dhaxeeya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Blinken iyo madaxweynaha Falastiin Cabbaas.

Blinken ayaa la filayaa inuu aado Turkiga halkaas oo dibad baxayaasha ay isugu soo baxeen bannaanka saldhigga Mareykanka.

 

•Waxaa guud ahaan caalamka ka dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo Falastiin.

 

•Dhawaacyada Falastiiniyiinta ee u baahday daaweyn bannaanka ah ayaan illaa hadda ka gudbin marinka Rafah, halkaa oo loo geyn waayay cabsi laga qabo duqeyn, si la mid ah ajaaniibta ka bixi lahayd Qasa ayaa xaaladan wajahaya.

 

•Wargeyska ganacsiga ka faallooda Israa’iil ee Calcalist, ayaa sheegay inay $50 bilyan uga bixi doonto Israa’iil dullaanka Qasa. Warbixinta ayaa intaa ku dartay maalin walba qiyaas u dhiganta 10 boqolkiiba wax soo saarka guud ee Israa’iil in loo qorsheeyay dagaalka socda inta u dhaxaysa siddeed ilaa 12 bilood.

 

Khasaaraha Falastiiniyiinta laga soo billaabo 7 Oktoobar;

 

Qasa;

La dilay: 9,488

Dhaawaca: 24,158

 

Daanta Galbeed

Waxaa la dilay: 152

Dhaawaca: 2,100

 

~ Iman Jama