Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo War Kasoo Saaray Geerida AHN Abwaan Siciid Gahayr

0
72

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, isagoo ku hadlaya afkiisa iyo kan xisbigaba, waxaa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa ehelladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo Shacabka Somaliland, geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ku geeriyooday Hargeysa laguna Aasay.

 

Gudoomiyuhuu wuxuu alle uga baryay Marxuumka, in alle Naxariistiisa janno ka waraabiyo, dhamaan ehelladii, qaraabadii iyo Shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Amiin. Amiin. Amiiin