Somaliland Oo Ka shakiday Itoobiya Wafti Culisna u Dirtay Awdal.

0
76

Somaliland Oo Ka shakiday Itoobiya Wafti Culisna u Dirtay Awdal

 

Xukumada Somaliland ayaa Gobolka Awdal u dirtay wafti culus oo hogaaminaayo Madaxweyne ku Xigeenka SL, qaybna ay ka yihiin xubno Wasiiro ah oo dhamaantood kasoo jeeda Awdal.

 

Ujeedka socdaalka waftiga ayaa salka ku haya dareen ka dhashay damaca Itoobiya ee dekada Saylac oo xukumadu sas ka qaaday, sida naloo sheegay.

 

Masuuliyiinta Saylici horkacaaya ayaa kulamo la qaadan doonaan dhaqanka, qoorwaynta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Awadal, kuwaas oo ay kala hadli doonaan damaca Itoobiya ee xeebaha galbeedka Somaliland gar ahan Saylac oo Abey sheegay inay danaynayaan.

 

Warar kale oo aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Awdal uu kusoo waajahan yahay todobaadka soo socda Ugaaska Guud ee Ugaas Cabdirashiid Ugaas Roobe Ugaas Doodi.

 

Hadalkii Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa kaga hadlay dekedda Saylac ayaa dareen ku abuuray bulshada reer Somaliland.

 

~ Samraawi Media.