Falcelinta Madaxda Caalamka Ee Weerarkii Waxashnimada Ahaa Ee Israel Ku Duqaysay Cusbitaalka.

0
82

Falcelinta Madaxda Caalamka Ee Weerarkii Waxashnimada Ahaa Ee Israel Ku Duqaysay Cusbitaalka.

Madaxda Caalamka Ayaa Si Weyn U Canbaaraysay Duqaynta Ay Israa’iil La Beegsatay Cusbitaal Carruurta ah Oo Ku Yaalla Magaalada Qaza, Halkaasoo Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 500 Oo Qof.

 

Isku Soo Baxyo Ayaa Ka Dhacay Guud Ahaan Bariga Dhexe, Oo Ay Ku Jirto Urdun Iyo Daanta Galbeed Ee La Haysto, Halkaasoo Ay Falastiiniyiin Mudaharaadaysay Isku Dheceen Booliska Xukuumadda Falastiin.

 

Geesta Kale Urdun Ayaa Gabi Ahaanba Joojisay Shir Ka Qabsoomi Lahaa Magaalada Cammaan, Kaasoo Ay Isugu Imanayeen Maraykanka, Masar Iyo Madaxda Dawladda Falastiin.

 

Madaxweyaha Masar Cabdil Fataax AL- Sisi, Ayaa Sheegay In Uu Sida Ugu Adag U Dhalleecaynayo Weerarka Bahalnimada Ah Ee Israil.

 

Sucuudiga Ayaa Isna Soo Saaray War Qoraal Ah Oo Uu Si Adag Ugu Canbaaraynayo Danbiga Aadka U Foosha Xun Ay Israel Ku Kacday Iyada Oo Duqayn Qayal Masuulnimo Ah U Gaystay Cusbitaalka Al Ahli Ee Gaza.

 

Hoggaamiyayaasha Reer Galbeedka Ayaa Iyagu Wax Dhalleecayn Ah U Soo Jeedi Israel. Madaxweynaha Faransiiska Ayaa Isagu Yidhi Ma Jiro Wax Loogu Marmarsoon Karo Duqayna Cusbitaal, Isaga Oo Intaa Ku Daray In Si Weyn Loola Wada Socdo Halka Xaaladdu Marayso.

 

Somaliland News Agency

 

Cabdiraxmaan Hayaan