Somaliland Oo War Soo Saartay Damaca Itoobiya Ee Dekedda Saylac

0
83

Xukumada Somaliland ayaa si dadban uga jawaabtay damaca itoobiya ee ku salaysan dekeda saylac ee gobolka Salal, waxaay sheegtay in go’aan ka gaadhsiteeda waxyaabaha kusoo kordhaaya ay leedahay Somaliland.

 

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo ka hadlay arimtaasi ayaa waxaa sheegay in Somaliland ay go’aamin karto dekeda saylac isticmaalkeeda ama maalgalinteeda balse aanay lahayd siyaasiyiinta deegaankaas kasoo jeeda ee ka tirsan dawladaha kale.

 

Wasiir caateeyo ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay twitter, kaga hadlay arintaasi, waxa kale oo uu xusay in wakhtiganba dekeda Berbera ay u shaqayso Itoobiya waxa uu yidhi.

 

” Saylac waa qayb Somaliland ka mid ah oo aanay ka maarmi Karin, wax wada qabsigeedana waxa go’aamin kara dawladda Somaliland oo keliya. Xisbiga PP ee Itoobiya, Aniga iyo Adem Faarax waxaanu ka tirsanahay isla beesha degta Somaliland Saylac, Jabuuti iyo Itoobiya. Intaa waxaa dheer, dekedda Berbera waxay u adeegtaa Itoobiya.