Booliska Somalia Oo Shaaciyey Tirada Dadkii Ku dhintay Qarixii Caawa ee Blue Sky

0
100

Booliska Somalia Oo Shaaciyey Tirada Dadkii Ku dhintay Qarixii Caawa ee Blue Sky

“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.

 

Qasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Agaasime Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen.

 

Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa”.