Wasiirka Arrimaha Dibedda Jordan Oo Lab wajiile Nimo Ku Tilaamay Israaiil Arrinkeeda

0
111

DEG DEG: Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan, Ayman Safadi ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inay muujiyeen “laba wajiilenimo” ka dhan ah Falastiiniyiinta, iyadoo duqeyn Israa’iil ay ku hayso marinka Qaza oo go’doomin ku jira.

 

“Waa maxay sababta xannibaadda helitaanka cuntada iyo daawada dadka rayidka ah loogu tixgeliyo dembi dagaal Ukraine, laakiin aan lagu tixgelin Qaza.” ayuu yiri isagoo waraysi siinayay BBC-da, wuxuu intaa ku daray “Beesha caalamku waa inay cambaaraysaa dilka dadka rayidka ah ee reer Falastiin si la mid ah dadka rayidka ah ee Israa’iil.”