Wararkii U Dambeeyey ee Dagaalka Falastiin Iyo Israaiil +Tirada Dhimashada

0
117

Masar iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyey in muwaadiniinta Maraykanka ay ka baxaan Marinka Qaza iyaga oo sii mara marinka Rafah,sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah, Al Arabia ayaa werisay.

 

Boqollaal tan oo gargaar dadka go’doonka ku jira ee Israa’iil sida aan kala sooca lahayn u duqeynayso ee Qaza, ayaan illaa hadda Masar ka soo gudbin xadka, iyadoo goor dhow afhayeen u hadlayay Israa’iil uu sheegay inay kula heshiiyeen Masar wax walba oo xadka ka soo galaya ama ka baxaya inay soo ogaysiiso.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Falastiin “ 2,215 ayaa ku dhimatay Qaza, 8,714 waa ay ku dhaawacantay, halka daanta galbeed ee la heystay ay ku dhinteen 54 , waxaa dhaawacmay 1,100 tan iyo Sabtidii marka ay billaabatay duqeynta Israa’iil.”X

geesta kale Xamaas , ayaa hadda sheegtay inay dagaalyahannadeeda ka gudbeen xayndaabka kala qeybinta Khan Yuunis ee bariga , halkaa oo ay kula dagaallamayaan ciidanka Israa’iil , kana burburiyeen 3 gaari oo kuwa dagaalka , weerarka wali waa uu socda, sida ay werisay Aljazeera.

Ugu dambayn 2,000 oo carruur ah ayaa ku dhintay , kuna dhaawacmay duqeymaha Israa’iil ee Qaza , sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.