Hargeysa Ilmo Yar Oo Musqul Lagu Riday Ku Geeriyooday Iyo Qaabkii Looga Soo Saray

0
78

Daawo : Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo ka hawlgalay soo saarida Ilmo yar oo Musqul lagu riday xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

 

Ciidanka ayaa ka hawlgalay inay Ilmahaa yar ka soo saaraan Musqusha, hasayeeshee ilmahan oo muddo ku jiray Suuliga ayaa ku Naf waayay Godkaas.

 

Ciidamada Booliska gaar ayaan ciidanka Dambi-baadhista ayaa hawlgalkaa goobjoog ahaa. Sidoo kale Ciidamada Dabdemiska ayaa Hooyadii falkaa geysatay ku wareejiyay Ciidamada Booliska.

 

Ugu dambayn dhacdooyinkan ayaa ah kuwo soo noqnoqday waxaana Ciidanka Dab-demisku halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan dadka ku kacaya falalakaas arxan darrada ah.

 

Allaa Mahad leh