Collaadda Falastiin iyo Israa’iil!” Guddoomiye Xirsi oo war Kasoo Saaray Dagaalka Falastiin Iyo israaiil

0
117

“Collaadda Falastiin iyo Israa’iil!” Guddoomiye Xirsi oo war Kasoo Saaray Dagaalka Falastiin Iyo israaii

 

Xaqiiqadu waa ay ka fogtahay inta muuqata, waxana aan ka soo horjeedaa dulmiga, nooc kasta oo uu yahay, (Shacabka Falastiin ama ka Yuhuudda) xorriyadduna waa xaq aasaasi ah oo qof walba oo dunida ku nooli u baahan yahay.

Shacabka Falastiin waxa uu xuquuqdiisa raadinayay muddo 70-sannadood ah, qof aan xorriyad haysanna noloshu dhadhan iyo raaxo toona uma laha, qofka nolosha ka quustaana wax waliba waa ka suurtagal. Nin dhergay iyo nin dhibban midba wax is leh, oo midna nolol fiican ayaa uu qorshaynayaa, midna geerida iyo noloshuba waa isugu mid.

 

Falastiin iyo Israa’iil oo xataa nabad iyo deggenaansho ku wada nool, is aqoonsan oo is xaqdhawra Israa’iil waa laga waayay. Falastiiniyiintuna in la gumaysto oo ay gacanta hoorsadaan waxa ay ka doorteen waxa maanta dhacaya. Wakhtiga ayaa sheegi kooda guulaysan doona, xataa haddii maanta laga gacan sarreeyo, taariikhdaana werin waxa uu xaal ku dambayn doono.

 

Waxa aynnu filaynnay in qofka dulman loo hiilayo balse nasiib-darro, dawladihii dunida ugu tunka waynaa waxa ay garab istaageen kii xoogga lahaa. Si kasta oo ay tahay, Falastiiniyiintu waa in aanay wax xadgudub iyo dulmi ah samaynin, si ay gargaarka Alle iyo garawshiiyaha bulshada caalamka u helaan, dulmiga in aad diiddo oo aad halganto ayaa xorriydda lagu gaadhaa. Maanta ama mustaqbalka -kii ay ahaataba, waydun guulaysan ee ku sabra wixii idin soo gaadha, annaguna duco uun baannu awoodnaa.

 

“Jiritaanka Falastiin

inaan xoog furfuri karin

Faantoomna ridi karin

Fiitoona tiri karin

Geesigii u feydnaa

Ma ku qoray far waawey.” -Hadraawi AHUN.

 

Guddoomiye Xirsi.

 

Fadlan u duceeya Falastiin…mahadsanid