Shirkadda Telesom Oo Sheegtay Inay Boqol Iyo Konton Kun Oo Dollar Kaga qayb qaadanayso Dib U Dhiska Suuqii Gubtay Ee wajaale

0
101

Telesom Group Foundation oo ka wakiil ah shirkadaha Telesom Group ayaa $150,000 (boqol iyo konton kun oo dollar) ugu deeqday khasaaraha dabka suuqa magaalo-ganacsiyeedka Tog-Wajaale 16-09-2023 oo ka mid ah suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa weyn guud ahaan dalka iyo geeska Afrikaba.

Maaha markii koowaad ee ay Telesom Group ka qaybgasho musiibooyinka dalka iyo ganacsatada Soomaaliyeedba ku habsatay, dhawaan ayuun bay ahayd markii aannu gacan weyn ka gaysanay musiibooyinkii Suuqa Waaheen Hargeysa iyo khasaaraha dabka suuqii Taywaan ee Jigjiga, waana waajib na saaran, waananu sii wadi doonaa taakulaynta iyo taageerada bulshada.

#suuqawajaale
#telesomgroupfoundation

 

https://youtu.be/n37PsaZb7fg?si=dW28S4obRNraVnc3