MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHUUSAMAREEB KU QAABILAY QAAR KA MID AH SIYAASIYIINTA KOONFUR-GALBEED

0
101

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHUUSAMAREEB KU QAABILAY QAAR KA MID AH SIYAASIYIINTA KOONFUR-GALBEED

Dhuusamareeb, Sibteembar 30, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed.

 

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

 

DHAMMAAD

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Twitter: @TheVillaSomalia