Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saaray Dalabkii Somalia Ee ATMIS

0
90

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka falcelinaya dalabkii DFS ee ahaa in dib-loo-dhigo bixitaanka ciidamada shisheeye ee ATMIS ayaa ku wargaliyay Villa Somalia in ay la wadaagaan codsiga hakinta bixitaanka ciidanka ATMIS, ururka Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika , kuwaa oo iyagu leh go’aanka waxa laga yeelayo ATMIS.

Ururka Midowga Afrika ayaa muddooyonkan saluugsanaa in DFS ay arrimaha ATMIS kala hadasho QM, balse dadaallo ay hormuud u ahayd Dawladda Jabuuti ayaa dajiyay xiisada ka dhalatay hab-raaca codsiga loo maray.