In ka Badan 50 Qof ayaa ku Dhintay Laba Qarax Oo Pakistan Ka Dhacay 

0
97

In ka Badan 50 Qof ayaa ku Dhintay Laba Qarax Oo Pakistan Ka Dhacay

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob ay ka socotay xuska dhalashada Nabi Muxamed oo ka dhacayay magaalada Mastung ee gobolka Balochistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 52 qof.

 

Ugu yaraan shan qof ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Hangu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

 

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda.