Ugu Yaraan 113 qof ayaa Ku Dhintay Goob Aroos Dalka Ciraaq

0
81

Ugu yaraan 113 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay gobolka Nineveh ee waqooyiga Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah iyo kooxaha gurmadka degdegga ah.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nineveh Hassan al-Alaq ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, oo laga yaabo inay weli kororto. Dabka ayaa la sheegay inuu kacay abaaro 10:45pm xiliga maxaliga ah (19:45 GMT) habeenimadii talaadada.