Gaadhi Lancruiser ah oo dab qabsaday ayaa maanta ciidamada Dabdemisku damiyeen.

0
117

Gaadhi Lancruiser ah oo dab qabsaday ayaa maanta ciidamada Dabdemisku damiyeen.

Gaadhigan ayaa markii ciidanka lagu soo wargeliyay waxaa ciidamada Dabdemisku si degdeg ah ku gaadheen goobtaas, waxaana ciidanku damiyay dabkii haystay gaadhigaas.

 

Hawlgalkan ayaa ka dhacay degmada Gacan libaax gaar ahaan xaafada New Hargeysa.

 

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa in haamaha yar yar ee lagu damiyo dabka ay dhex dhigtaan gaadiidka si hadii dab u kaco ay u damin karaan.

 

Fadlan muwaadin hadii aad dab la kulanto soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska Telesom/Somtel.

 

Cabdiwahaab Toox-yare

Info.fire@sldgov.org