War Kasoo Baxay Gudoomiye Giire Oo Nairobi Ku Sugan

0
100

Khamiis 14 Sep 2023 Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilladda JSL Md Siciid Mirre Faarax ( Giirre) oo Safar shaqo ku tegay Caasimada Dalka KENYA ee Nairobi ayaa maanta Xarunta Safaarada Somaliland ku leedahay Dalkaas booqasho ku tegay si ay u kala warqaataan madaxda Safaarada iyo gudoomiyuhu.

 

Waxa xarunta Safaarada ku soo dhaweeyey Safiirka Safaarada Dr Maxamed Axmed (Barawani), Safiir kuxgeenka Safaarada Sharmaake Geele iyo Madaxda Kale Ee Safaarada,

 

Waxaanay uga Xog- Warameen Hawlaha Iyo Shaqada Safaarada ka Socda.

 

Gudoomiye Giire ayaa ku dhiiri geliyey safiirka iyo madaxda safaaradda inay kor u sii qaadaan Shaqada iyo adeega ay u hayaan Qaranka iyo muwaadiniinta Somaliland”.