Guddidu Is Waafajinta Oo Maxkamadda Sare iyo Guddida Diiwaan Gelinta Ururada la kulmay

0
125

Guddidu Is Waafajinta Oo Maxkamadda Sare iyo Guddida Diiwaan Gelinta Ururada la kulmay

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa maanta goobo kala duwan ku yeeshay Fadhiyadoodii 12aad iyo 13aad

 

Gudida ayaa Fadhigii 12aad oo ay ku yeesheen xaruunta golaha la kulmay Gudida Diwaan galinta Ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka

 

Halka Fadhigiidii 13aad na ay Maxkamada Sarre ee Somaliland kula kulmeen Gudoomiyaha maxkamada sare iyo kuxigeenkiisa iyo waliba xubno kamid ah garsoorayaasha maxkamada dastuuriga ah ee Dalka.

 

Fadhiyadani oo shir gudoominayay Gudoomiyaha gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi Saacado badana qaatay ayaa ujeedadoodu ahay sidii ay dhinacyadani u soo jeedin lahaayeen waxyaabaha u baahan in ay ka dhex muuqasaan xeerarka doorashooyinka Dalka.