Ciidanka Booliska Somaliland oo Xidhay Caydaruus Shcraawi

0
90

Ciidanka Booliska oo Xidhay Caydaruus Shcraaw

Hargeysa -Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeen Caydaruus Maxamed ( Shacrawi) oo ku eedaysan Dacaayado uu ka fidiyay Ciidamada qaranka taageero u muujiyay huwanta Laascaanood ku sugan.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta facebooga ee Ciidanka booliska Somaliland.

Ciidanka Booliska JSL waxa uu xalay Abaaro 8:15 soo xidhay Eedaysane Caydaruus Maxamed Cabdilaahi( Shacrawi).

Eedaysane Caydaruus ayaa Ciidanka Booliska ka soo qabteen Xarunta dhaqanka Hargeysa.
Eedaysanahan ayaa dunuub uu qiraal ka yahay ka galay haybada qaranka sida uu qabo qodobka 184 ee X.C.G.

Sido kale waxa uu Dacaayado been abuur ah ka faafiyey Ciidamada qaranka, isago geesta kale taageeray Huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood .

Ilaa hadda baadhistu way Socotaa Maxkamadda awood u lehna waa loo gudbinayaa.