Murashax Cirro Oo Cadeeyey Inuu Si Arasmj ah U Aqbalay Go,aankii Ergada HJ

0
89

“Anniga oo tixgelinaya in Hoggaanka Xisbiga WADDANI ergada siiyey kalsooni buuxda oo aan wax shuruudi ku xidhnayn, anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Xisbiga WADDANI dhammaantii, waxa aan halkan ka caddeynayaa in aan aqbalnay go’aannadii ay xalay soo saareen ergadii dhexdhexaadinta wadday ee Beelweynta Habar Jeclo.

Damiirkayga nool ayaa i faraya xitaa haddii ay igu adag tahay in aan yeelo wax kasta oo maslaxadda umaddaydu ku jirto si aan u xaqiijiyo in aanu go’in xadhigga isku haynta shacbiga reer Somaliland. “Tanaasulka waxa aan u aqaannaa ficilka dadka bisil ee hoggaamiyayaasha ah”.

Sida oo kale, waxa aan u soo jeedinayaa dhammaan cid walba oo uu khuseeyo go’aanka ergadu in ay aqbalaan maadaama ay kalsooni buuxda bixiyeen.”

“Shacbiga reer Somaliland, waxa aan u sheegayaa inaan talada dalka loo dhiibin ama loo dhaarin dadka oo dhan, balse waxaa loo dhaariyay hal Madaxwayne oo keliya, wixii fashil iyo foolxumo ahna ma wada laha dadka oo dhammi ee waxaa leh cidda loo dhaariyey. Muddada uu xilka hayo Madaxweyne kastaa wixii wanaag ah magaceeda isagaa iska leh in lagaga masuugaana waa khalad. Wixii khalad iyo gef dhacayna isagaa dhaliisheeda iyo mas’uuliyadeed leh.”
Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

“Waxa aad ka war-qabtaan in Xisbigu aqbalay dhammaan ergooyinkii dhexdhexaadinta ahaa ee hore ee dalkan u kacay. Taariikh ahaan annigu shakhsiyan iyo Xisbi ahaan midna kuma suntanin ergo diidnimo, ciddii ergo diidnimo maanta ay ku caddaato shacabka ayaa ka marag furi doona..”
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro