Kulmiye ilaa shalay liis ayey yeedhinayeen dad aan ka mid ahayn xisbigooda iyo dad dhintayba” Waddani

0
119

“Kulmiye ilaa shalay liis ayey yeedhinayeen dad aan ka mid ahayn xisbigooda iyo dad dhintayba. Arrintaas shacbiga Somaliland oo dhan arkayay waxay tusaale u tahay in ay siyaasadda u yaqaanan been iyo ballan ka baxa iyo indho adkaanta ay doonayaan in ay dadka kula macaamilaan maaddaama shacbigu ka calool go’ay.

 

Maayar Mooge maaha nin aad been ka sheegi kartaan waanu yaqaanaa kulmiyaha maanta iyo dad kiisa inay yihiin kuwa maalin iyo habeen meelahaa la soo fadhiya waxyaabo ka madhan akhlaaqda siyaasadda, kana fog xaqiiqada.

 

Waxaan leeyahay been abuur iyo indho adkaan kuma hoggaamin kartaan dalkan maaddaama dadkii haldoorka ahaa iyo shacbiga Somaliland ba arkeen dadka isugu hadhay Kulmiye.”

 

Xoghayaha Amniga ee Xisbiga WADDANI Mudane Ibraahim Ducaale Boos