Murashixii Cabdicasiis Samaale La Tartamayey Oo Ka Hadhay Iyo Sababta Uu Uga Hadhay

0
132

Xildhibaan Cabdilaahi Muuse oo ka mid ahaa Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ee jagada Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ayaa sheegay inuu hankiisi ka noqday islamarkaana wixii kalifay uu dib ka sheegi doono.

 

Xildhibaan Cabdilaahi ayaa Afar cisho ka hor shubay Lacagta Musharaxnimada Jagadaasi balse qoraal uu goor dhawayd oo caawa ah soo saaray ayuu ku sheegay inuu ka noqday hankiisi waxaanu ku yidhi qoraalkasi,

 

“Aniga oo ah xildhibaan Cabdilahi Muuse Cabdi ahaana musharax u tartamaayey Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga kulmiye kaas oo lagu dooran doono shirka bari ka dhaci doona magaalada Burco.

 

Waxa aan taageerayaashayda, bulshada gobolka Saaxilba iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ogaysiinayaa in aan ka noqday hankaygii ahaa in aan buuxiyo jagada Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye.

 

Iyada oo aan dib ka soo sheegi doono sababta kaliftay in aan ka laabto gabi ahaanba hankaygii buuxinta jagadaas.

 

Ugu dambayn waxa aan leeeyahay dhamaan taageerayashaydii waynu guulaysanay haddii aynaan inagu ka bixin ballankii, weynu guulaysan.”