Ergada Xallinta Xaaladda Buurta Gacan-libaax Iyo Muranka Siyaasadda iyo kulamadii U Dambeeyey

0
98

Ergada Xallinta Xaaladda Buurta Gacan-libaax Iyo Muranka Siyaasadda iyo kulamadii U Dambeeye

 

Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, waxa ay maanta kulan la yeesheen guddida madax-dhaqameedka isku-dhafan ee ka kooban gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa ay labada dhinac ka wada-hadleen hawlaha dhex-dhexaadinta iyo nabadaynta ee ay guddida madax-dhaqameedku ku hawlanaayeen muddooyinkii u dambeeyay.

 

Waxa ay guddida madax-dhaqameedku u sheegeen xubnihii ururada bulshada in ay yihiin ergo is xilqaantay, islamarkaana isu arka in ay gudanayaan waajib ka saaran ilaalinta nabadgalyada iyo xalinta khilaafaadka sidii horeba looga bartay.

 

Ururada Bulshada rayidka ah waxa ay guddida ku booriyeen dedaalka ay ugu jiraan sidii dhinacyada ay isugu soo dhawayn lahaayeen, khilaafkana loo xidid-siibi lahaa.

 

Ururada Bulshada rayidka ah iyo guddida madax-dhaqameedka isku-dhafani waxa ay isla garteen:

 

  1. In la mideeyo dedaalada kala duwan ee ay wadaan guddiyada kala duwan ee dhammaan ku hawlan sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda ka taagan deegaanka Gacan-libaax iyo ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

  1. In Ururada Bulshada iyo guddiyada dhex-dhexaadintu ay yeeshaan wada-shaqayn dhaw, islamarkaana la isku garabsado sidii isfaham looga dhex-dhalin lahaa dhammaan dhinacyada kala duwan.

 

  1. In la sii wado kulamada looga gonleeyahay in lagu mideeyo dedaalada socda, si looga hortago isdhexyaac iyo jahwareer khatar galin kara hawlaha dhex-dhexaadinta.