Xildhibaanno War Kasoo Saaray Kulamo U Socday Maalmaha

0
68

War-murtiyeed Kooban

 

kulamo maalmihii u dambeeyey Magaalada Hargeysa uga socday qaar ka mid ah Xildhibaanada golayaasha deegaanka Lix degmo oo kala ah Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama, Gabiley iyo Caynaba ayaa soo gabagaboobay.

 

Kulamadan oo mudaneyaashu kaga arinsanayeen sidii ay u dardar galin lahaayeen hawlaha shaqo ee ay u hayaan bulshadii soo dooratay , adkaynta nabad galyada guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

 

Xildhibaanada oo kulamo la qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxmed Kaahin oo u weheliyo Agaasimaha Guud Wasaaaradaasi Maxamed Yuusuf, ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayyn lahaa guud ahaan amniga dalka iyo gaar ahaan degmooyinka mudanayaashani ka kala yimaadeen isla markaana sharciga loo dabaqi lahaa.

 

Gabagabadiina kulankan, ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo is faham dhex maray Wasiirka iyo mudhayaasha golaha deegaanka ee kulan la qaatay.

 

Xildhibanadan ayaa u ballan san Kulamo dambe oo ay Isugu Iman doonaan Kuna sii Amba qaadayaan wixii ka qabyo ah kulankan hadda Usoo dhamaaday iyo Hawlaha shaqo ee ay Bulshada u hayaan.

 

ALLA MAHAD LEH

 

Afhayeenka Xidhibaanda Lixad Degmo

Cabdirashiid Nuur Wacays