Berbera laydhkeedu Walaahi waa halkii u liidatay, ka warama ilaa galabta 2 sacadood markuu maqnaado 20 minute ayuu baxaya.”

0
78

“Berbera laydhkeedu Walaahi waa halkii u liidatay, ka warama ilaa galabta 2 sacadood markuu maqnaado 20 minute ayuu baxaya.

 

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Ururka Waaberi ahna Ku-simaha gudoomiyaha Ururkaasi Cumar Shucayb ayaa qoray,

 

“Berbera laydhkeedu Walaahi waa halkii u liidatay, ka warama ilaa galabta 2 sacadood markuu maqnaado 20 minute ayuu baxaya.”

 

Hada qabsoo Madaxwaynihii iyo xukuumadii oo dhana waa joogtaa, Walaahi danyartii iyo dadkii jilicsanaa xaaladu way ku culustay.

 

Waxaa maalgashi Madaxweynuhu xadhiga ka jarayay Maan maqal cid xusaysa intaan ogahay. Berbera waxay u baahantahay Gudi horumarineed oo degaanka degmada Berbera , duruufaheeda ka war haya oo xalna keeni kara.

 

Maanta reer berbera xili wax loo qaban lahaa oo maanta ay kaga haboontahay ma jirto. Berbera wax soo saarkeedu maanta miyuu u goyn waayay laydh ku shaqeeya tamarta Cadceeda iyo dabaysha.

 

Mashruucan waxaan qabaa in macal Solarka Emirates ku inagu caawiyeen marka laysku daro in maalgelin dhab ah loo samayn karo. Anigu waxaan qabaa arrinta laydhku inay tahay wax saacad kasta laga hadlo.

 

Waar laydhka Berbera waxuu ugu jiraa muhiimada 2aad , biyaha ayuunba ka horeeya iyo cuntada.

 

Kolayba wax aanan anigu wili fahmin ayaa jira ee magaalada haloo gurmado. Laydhku in la siyaasadeeyo ma fiicna ee hab cilmiyaysan aynu u baadhno intaynaan cid kale wax saarin.”