Salaadiinta Beelaha Garxajis Iyo Awal Oo Ka Wadahadlay Jabhada Buurta Gacan Libaax Gashay.

0
111

Salaadiinta Beelaha Garxajis Iyo Awal Oo Ka Wadahadlay Jabhada Buurta Gacan Libaax Gashay.

Madaxdhaqameed kasoo jeeda labada beelood ee Awal iyo Garxajis ayaa xalay isugu yimi kulankii ugu horeeyay ay kaga wadahadlayaan jabhada fadhiisinka ka dhigatay buurta Gacan-Libaax.

 

Kulanka oo ka dhacay Hotel Xayaat ayaa waxaa shir-gudoominaayay Suldaan Xasan Sul. Cabdilaahi iyo Suldaan Cismaan Sul. Cali Madar kaas oo lagaga wada hadlay xal u helida jabhada buurta gashay iyo xaaladaha kale ee dalka ka jira.

 

Madaxdhaqameedka markii ay gorfayn ka wada shaqaynayeen dalka gudihiisa waxa ay go’aamiyeen in wixii nabada khalkhal galin in meel looga soo wada jeesto, sidoo kale waxay isku raaceen in dalka la badbaadiyay oo talo qaran la isugu yimid, sida ay i mudan yihiin goobjoog ahaa. .

 

Kulamada ayaa la sheegay in ay sii socdaan, waxaan salaadiinta la tashiyo kale la yeelanayaan madaxda dhaqanka ee beelaha kale, sida la i sheegay.

 

~ Samraawi Media