Wax Badan ka Ogow Labada Nin Ee Ku Loolamaya Shir Guddoonka Wakiilada 

0
62

Wax Badan ka Ogow Labada Nin Ee Ku Loolamaya Shir Guddoonka Wakiilada

 

ᴛᴀᴀʀɪɪᴋʜᴅᴀ ᴡᴀᴀʏᴏ’ᴀʀᴀɢɴɪᴍᴏ ᴇᴇ ʟᴀʙᴀᴅᴀ ᴍᴀsᴜᴜʟ ᴇᴇ ᴋᴜ ᴛᴀʀᴛᴀᴍᴀʏ ʜᴀɴᴀsʜᴀᴅᴀ ᴋᴜʀsɪɢᴀ ɢᴜᴅᴏᴏᴍɪʏᴀʜᴀ ɢᴏʟᴀʜᴀ ᴡᴀᴋɪɪʟᴀᴅᴀ

 

Maalinka berri ah waxaa ku mudeysan doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland.

 

Yaasiin Faratoon iyo Cali Xaamud Jibrii ayaa ah labad shaqsi ee haatan ugu cadcad loolanka doorashada.

 

Hadaba maxaa laga ogyahay taariikhda labadaan masuul ee berri tartanku dhexmari doono?

 

Waa kuma Yaasiin Faratoon ?

 

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

 

Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.

 

Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waaweyn.

 

Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester.

 

Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wuxuuna si dhuumasho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa.

 

Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soomaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland.

 

Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada.

 

Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.

 

Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.

 

Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

 

Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.

 

Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiillada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagaga guuleystay.

 

Waa Kuma Cali Xaamud Jibriil?

 

Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil waxa uu ku dhashay magaalada Boorama, Sanadkii 1971. Waxa uu waxbarashadiisi hoose dhexe ku qaatay magaalada boorame, dugsigii Camuud ee isla magaalada Boorama ayuu sidoo kale ku bartay waxbarashada dugsiga sare saddex sanno oo ka mid ah, halka uu fasalkii u danbeeyay ku dhamaystirtay dugsiga sare Kaasa-balbalaare oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo uu usoo wareegay.

 

Waxbarashadiisii heer jaamacadeed, waxa uu xildhibaan Xaamud kusoo dhamaystay dalka Pakistan 1996kii, halkaas uu kusoo bartay culuumta ganacsiga (Business Administration). Waxa uu shahaadadii kowaad ee bachelor’s degree-da iyo tiisii heerka labaad ee Master MBA uu ka qaatay University of Bashar ee Pakistan.

 

Markii uu dhamaystay waxbarashadiisa, waxa uu u guuray cariga ingiriiska Sanadkii 1997, halkaas oo uu kasii watay waxbarashadiisii oo uu ka qaatay MA.

 

Bilowgiisii siyaasadda iyo halka uu kasoo bilaabay Xaamud.

 

Waxa uu ku biiray arrimaha siyaasadda intii uu joogay ingiriiska, waxa sidoo kale ka qayb qaatay dedaalada ay jaaliyada ingiriiska ee Somaliland wax ku taraan shacabka Somaliland.

 

Waxa loo doortay guddoomiye xigeenka ururka Somaliland Society UK (SSC UK), sanadkii 2016.

 

Waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga kulmiye ee dhankaas ingiriiska hawhsa ka bilaabay.

 

Waxa uu xubin ka noqday guddidii ugu horraysay ee xisbiga Kulmiye ee dalka ingiriiska, waxaana mar labaad isla xubinimadaas dib loogu doortay guddidii labaad ee baddashay.

 

Sanadkii 2010 kii madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-siilaanyo ayaa xildhibaan Xaamud ku soo daray golahii wasiirada, waxaana loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, balse xilkaa waxa laga qaaday ka dib markii uu hayay saddex sannadood.

 

Sanadkii 2014 ayaa dib loogu magacaabay wasiirka wasaarada xidhiidhka golayaasha. Sanadkii 2017 bishii August ayaase xilkaana laga qaadey, kadib khilaafka ka dhashay shaqadii olalaha doorashaddii madaxweynenimo oo markaa uu xisbiga Kulmiye ka sharaxnaa madaxweynaha imika talada haya Muuse Biixi Cabdi taagnayd sida uu BBC u shaagay Xaamud.

 

Xaamud oo aannu waydiinay khilaafkaas uu xilka ku waayay ayaa ku jawaabay sidan

 

“Kaambaynkii doorashada niman badan oo ku jiray ayaannu isqabanay, way siyaasadaysnayd markii xilka layga qaaday. Guddigii ololaha oo la ii magacaabay ayaan markaa anna iska casilay, laakiin si madaxbannaan ayaan kulmiye ula shaqeeyay guushiina ku helnay”

 

Sanadkii 2021 wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo laga soo doorto gobolka Awdal, balse isla sanadkaas wuxuu markale isku soo sharaxay inuu ka mid noqdo shirguddoonka aqalka wakiilada.

 

Doorashadaasna waxa uu ku noqday guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka wakiilada oo uu imika hayo.

 

Markanna waxa uu rabaa inuu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada oo ah kursiga ugu sarreeya golaha.

 

Booskaan haatan lagu tartamayo waxaa horay u ahayd Cabdirisaaq Khaliif oo ahaa gudoonkii hore ee golaha wakiilada Somaliland, balse wuxuu is casilay dhawaan sababo la xiriira colaadda ka jirta laascaanood kadib bilooyin uu ka maqnaa xarunta iyo shirarka golaha.

 

BBC Somali