𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗱 𝗸𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗚𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮.

0
196

𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗱 𝗸𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗚𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮.

Mudanayaasha golaha guurtida ayaa maalmahan ku guda jiray ka doodista ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha, maanta waxa ay dood adag ka yeesheen arrimaha Garsoorka dalka, oo ay mudanayaasha qaar soo jeediyeen in dib loogu noqdo hanaanka garsoorka dalka ee gobollada Somaliland.

 

Mudanayaasha qaar ayaa sheegay in sare-u-kac balaadhan ay ku talaabsadeen waaxda Garsoorka dalka, loona baahan yahay in la garab istaago.

 

Sidoo kale mudanayaasha qaara ayaa soo jeediyay in la tababaro baadhayaasha saldhigyada dalka oo ay sheegeen in uu yahay marinka koowaad ee ay ka bilaabanto dacwadu, loona baahan yahay in ay noqoto meel bulshadu ku soo hirato.

 

Ugu danbayn Xildhibaanada ayaa soo jeesiyay in mudanayaashu u baxaan safar ay ugu kuurgalayaan xaaladda Garsoorka dalka oo ay soo wada maraan dhammaan gobollada iyo Dagmooyinka dalka